12.9 C
Hargeisa
Wednesday, December 8, 2021
HomeWararkii CaalamkaIllaa hadda ma cadda jihadda ay itoobiya u socoto.

Illaa hadda ma cadda jihadda ay itoobiya u socoto.

Ku simaha xilka Raisal wasaaraha Itoobiya ahna Raaisal wasaare ku xigeenka itoobiya!
Waa muslim, kasoo jeeda qoomiyadda axmaarada.
Muslimiinta itoobiya Qarniyo kaddib ayay markii uugu horeysay jagadaas ku simaha gaadheen, waxa dhib badani kasoo gaadhay, haysashada Islaamnimada, kana soo gaadhaysay boqoraddii kala danbeeyay, waxa mabnuuc ka ahayd goobaha shaqada iyagoo islaam ah, magaca iyo diintaba waa laga baddali jirey, magaaladda Gojam ee axmaarada oo kale waxa mabnuuc ka ahayd inuu nin Islaami dhul yeesho ama uu dhaxlaba, waxa uugu noolaayeen sidii la haystayaal oo kale, waad kireysan kartaa laakiin ma yeelan kartin, waxayse taasi soo af meerantay dhammaadkii boqortooyaddii xayle salaase, bilowgii shuuciyadda Mingiste wax badanbaa is baddalay, dawlad ka fog diimaha ayay ahayd taasi waxay hoos u dhigtay awooddii kiniisadaha, oo boqortooyooyinka ku lammaanaa, xukuumaddii Malez furfurnaan kasii yara wanaagsan ayay heleen illaa dhamaadkiiii noloshii uu faro galin ku sameeyay isagoo ku dhex abuuray koox cusub oo lagu sheegay #Xabuusha, doonayay inay hogaanka u qabtaan muslimiinta Itoobiya, isla markaana la xidhxidhay illaa 17 waddaad oo ahaa kuwii uugu waaweynaa,taas oo ay muslimiintuu aad uuga kaceen mudaharaadadii uugu horeeyeenna ka bilaameen, iyadoo markii danbeba ay isku darsameen mudaharaadadii ka kacay fidinta caasimadda AddisAbaba, kaddib xayle maryam ayaa yimid wakhti badan muu sii joogin inkasta oo cadaadiskii danbe ee malez bilaabay uu sii waday, uugu danbayn Aby axmed ayaa yimid, oo kasoo jeeda qoys Islaama laakiin xagga hooyadii oo kiristana u baydhay, waxa uu ku bilaabay furfurnaan badan waxa soo noqday culimo badan oo dibad wareega, waxa la ogolaaday dhismeyaaal masaajid iyo goobo muhiima, xukuumaddiisa 1aad ee uu soo dhisay waxa ay ka qabteen xilalka uugu muhiimsan, oo ay uugu sareeyaan Guddoomiyaha fadareyshanka(Aqalka Sare), Marna Aqalka hoose, Raaisal wasaare ku xigeen, taliyeyaal ciidan, iyo wasiiro muhiima, Isna isbaddalkii danbe ee doorashada ka danbeeyay, ayuu hoos u dhigay, kuna soo koobay Ku xigeenkiisa, iyo dhawr wasiir.
Uugu danbayse colaado xun oo ka socda waqooyiga Itoobiya, ayaa waxay sababeen in qarniyo kaddib hogaanka uugu sareeya Itoobiya uu noqdo qof Islaama, kaddib markii Raisalaha wasaare aby Axmed uu sheegay inuu tagayo furinta dagaalka awoodihii hogaaminta dalkana uu u ku wareejinayo ku xigeenkiisii, oo ah masuulka aynu kor ku xusnay.!!.
Xamse Qalas.

SAADAASHA HAWADA | Weather

Hargeisa
clear sky
12.9 ° C
12.9 °
12.9 °
90 %
5.4kmh
10 %
Wed
23 °
Thu
23 °
Fri
22 °
Sat
21 °
Sun
22 °

INTERNATIONAL TRADE EXPO

- Advertisement -spot_img

HORSEEDKII AFRIKA | THE AFRICAN PIONEERS

- Advertisement -spot_imgspot_img

ARAGTI | OPINIONS