Habraaca Masaajidada Somaliland Si’ Looga Hortago Faafitaanka Xanuunka COVID-19.

3
Somaliland ayaa habraac cusub ku soo rogtay Masaajidada, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID-19.
Dhammaan Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidada waxa lagu amrayaa:
1. In ay xidhaan Af-saab, dadka masaajidka ku tukanayana ay ku amraan inay xidhaan Af-saab.
2. In qof kasta oo ku tukanaya Masaajidka uu soo qaato sijaayadiisa.
3. In ugu yaraan 1.5m (hal mitir iyo badh) la kala fogaado safafka salaadaha.
4. In ay xilliga salaadaha faralka ah ku soo koobaan 25 daqiiqo oo aanay ka badin karin.
5. In laga bilaabo 10/10/2021 ay xidhaan dhammaanba musqulaha iyo meelaha lagu waysaysto ilaa amar dambe ama xaalada xanuunku ay is bedelayso.
6. In ay furaan daaqadaha iyo albaabada Masaajidada.
7. In ay bulshadu ku soo waysaystaan guryahooda iyo meheradahooda.
8. In dadka waaweyn iyo dadka la nool xanuuno u gaar ah ay ku tukadaan guryahooda.
9. In qofkii leh calaamado u eg kuwa koroonaha aanu iman masaajiddada ee uu ku takado howgiisa ama meheradiisa.
10. In imaamyada masaajidada ay ducada Qunuuda salaadaha faralka ah innooga duceeyaan dhibaatada xanuunka.
Ugu danbayn, Masaajidada u hoggaansami waaya hab-raacyada Masaajidada, waxa loo aqoonsanayaa in uu masaajidkaasi yahay mid dhiirri gelinaya faafitaanka xanuunka Covid-19. Fulinta iyo dabagalka arrimahan waxa leh Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada.