13.3 C
Hargeisa
Wednesday, December 8, 2021
HomeFaallo | EditorialGeedi Socodka iyo Taariikhda Asxaabta iyo Ururada Siyaasadeed ee Somaliland 2002 ilaa...

Geedi Socodka iyo Taariikhda Asxaabta iyo Ururada Siyaasadeed ee Somaliland 2002 ilaa 2022.

Somaliland markii ay u guurtay nidaamka xisbiyada badan ee dastuurka qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo afti dadwayne 97% 31 may 2001 lagu ogolaaday , ayaa dalka waxa lagaga dhawaaqay urur siyaasadeedyo si la isugu habeeyo oo loogu diyaargaroobo doorashooyin dimuqaradi toos ah oo looga baxo madaxdii lagu soo dooranayey nidaamka shirbeeleedka waxaana la sameeyay Udub , Ucid , Sahan , Birsol , Hormood , Asad , ileys iyo Kulmiye oo ugu dambeeyay .
Ururadaasi qaar way isku biir-biireen intii doorashadii dawladaha hoose ee dhacday 15 Dec 2002 ka horaysay waxaana doorashadaasi ku tartamay 6 lix urur siyaasadeed oo kala ahaa Udub , Ucid , Hormood , Sahan , Asad iyo Kulmiye , waxaa soo baxay xisbiyo oo siyaasadeed loo aqoonsaday sadexdii xisbi ee ugu codka badnaa oo noqday Udub , Kulmiye iyo Ucid sida uu dhigayo qodobka dastuurka ee 9aad iyo Xeer lr 14/2001 , ururadii hadhay iyo xildhibaanadoodii deegaanku waxa ay ku kala biireen sadexdii xisbi qaran.
Bishii April 2003 ayaa loo dareeray doorashadii Madaxweynaha ee ugu horaysay ee dadwaynuhu codkooga si toos ah u dhiibtaan waxaana ay dhacday 14 April 2003 waxaana ku tartamay sadexda xisbi ee Udub, Kulmiye iyo Ucid madaxdii u sharaxnayd oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin , Ahmed Mohamed Mohamoud ( Siilaanyo ) iyo Faysal Cali Xuseen ( F.C.Waraabe ) waxaana helay doorashadii xisbigii Udub iyo murashaxiisii Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa ku xigeenkiisa mudo xileedkooguna yahay 5 sano , halka ku xigeen Kulmiye uu ugu sharaxnaa Cabdiraxmaan Aw cali Faarax ( Tolwaa ) , Ucidna uu ahaa sida aan filayo nin dhintay oo xildhibaan golaha wakiilada ahaa 2005.
Sanadku markii uu ahaa 2005 September 29 ayaa waxa dalka jamhuuriyada Somaliland looga dareeray doorashada golaha wakiilada Somaliland si ay dadweynaha reer Somaliland markii ugu horaysay codkooga ugu soo doortaan wakiilo dadwayne oo gala golaha xeerdejinta Somaliland aqalkiisa koowaad oo ay si toos iyagu gacantooda ku doorteen mudo xileedkooguna yahay 5 sanadood.
Waxa aan dalka ka dhicin oo mudo kordhin lagu sameeyay doorashooyinkii goleyaasha Deegaanka oo ay ahayd in ay dhacaan sanadkii 2007 Dec 15 , sidaasi oo kale waxa aan dalka ka dhicin doorashadii madaxtooyada Somaliland oo mudaysnayd 14 April 2008 oo iyadana mudo kordhin lagu sameeyay hal sano ah si ay u dhacdo 14 April 2009.
Haddaba marka halkaa la Isla marayo ayaa waxaa is abaabulay siyaasiyiin ku qanci waayey sadexda xisbi qaran una arkay in sharcigu ogol yahay in ururo siyaasadeed dalka laga furan karo , iyaga oo ku doodayey in la qanciyo oo lala eego shuruucda dalka, sida Xeer 14/2001 oo intaasi oo meelood ururka/xisbiga qoraya taasina cadayn u tahay in ururo iyo axsaabi tartamayaan iyo waliba sida uu dhigayo dastuurka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23aad faqradiisa 3 aad oo si cad u cadaynaysa in muwaadiniintu isku habayn karaan ururo siyaasadeed , waxaanay ku dhawaaqeen urur siyaasadeedkii Qaran.
Xukuumadii xiligaa joogtay ee Udub doodna way la furi kari wayday oo sharciga way ku qancin kari wayday wax kale oo ay ku hor istaagi kartana way garan wayday dabadeedna maalin ay dadkii taageersanaa la balameen in ay meel fagaare ah kala hadlaan ayaa la xidhxidhay sadexdii qof ee ururka hogaaminatey iyada oo eedo la dhoobdhoobay oo is abaabul iyo wax noocaas ah loo sameeyay laguna xukumay.
Haddana waxa axsaabta siyaasada dhexdooda ka dhacay murug komishanka doorashooyinka ah iyo in doorashada diwaan galin dadwayne la sameeyo oo lagu galo iyo waliba jiitano iyo iskhilaaf doorasho oo dhawr goor mudadooda la kordhiyey oo dalka khalkhal galiyey ka dib waxa soo dhex gashay beesha caalamka April 2009 markii ay doorashooyinkii dhici waayeen la iskuna tanaasuli waayey waxaana axsaabta qaranka ku heshiiyeen in doorashada madaxtooyada la soo horeysiiyo, gudi doorasho oo cusub la dhiso si doorashooyin dalka uga dhacaan.
Waxa iyagana la soo daayey siyaasiyiintii urur siyaasadeedka Qaran oo sokeeyahooga ugu dhow uu noqday xisbiga Kulmiye , si ay u ridaan xukuumadii Udub oo dalka dhinacwalba la hadhay marka dareenkii iyo qiimeyntii xiligaa taagnayd runta laga sheego , waxaana ay kula heshiiyeen in marka Kulmiye talada dalka qabto waxii gar ah ee sharcigu siiyo loo yeelo oo ururada siyaasada la furo oo ah albaab ay muwaadiniinta raba hogaaminta talada ka soo galaan.
Sanadkii 2010 kii bishii June 26 keedii ayaa waxa dalka jamhuuriyada Somaliland laga qabtay doorashadii labaad ee Madaxwayne shacabku gacantiisa ku soo doorto , waxaana ku tartamay sadexdii xisbi ee Udub, Ucid iyo Kulmiye oo ay madaxwayne u ordayeen isla sadexdii murashax ee doorashadii madaxtooyada ee 2003 dii oo kala ahaa Rayaale , Siilaanyo iyo Faysal halka ay ku xigeenadoodu kala ahaayeen Udub Axmed Yuusuf Yaasiin , Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici iyo Ucid oo Alle ha u naxariisto e uu ka sharaxnaa Dr Mohamed Rashiid Sh hassan .
Waxaa ku guulaystay xisbigii ugu xooga weynaa mucaaradka oo ahaa Kulmiye waxaana Madaxwayne iyo Ku xigeen noqday Siilaanyo iyo Saylici , waxaa ay kursiga la wareegeen oo la dhaariyey 27 July 2010 , waxaa ay ahayd xili yididiilo iyo rajooyin isbadel oo badan ay qabeen dadka reer Somaliland maadaama ay ahayd markii ugu horaysay ee xisbigii mucaaradka ahaa ka guulaystay xisbigii muxaafidka ahaa intii loo guuray nidaamka dimuqaradiga ah.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu sameeyay gudi uu u saaray ka soo talo bixinta furista ururada siyaasada oo aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka ka kooban oo gobol walba talo bixin iyo rabitaanka bulshada soo eegta kuna soo celisa war bixin lagu go’aan qaato , ka aragtidayda ahaan waxa ay iila muuqatay in uu qancinayey xisbigiisa Kulmiye oo intooda badani aanay raali ka aheyn in ururada la furo , laakiin Siilaanyo waxa uu ahaa shaqsi macquul ah oo marwalba jeclaa dimuqaradiyada iyo rabitaanka bulshada.
Gudidii markii ay warbixintii soo celisay ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo warqad u qoray wax lagaga badalayo xeerkii doorashada oo si cad loogu qeexayo in 10 kii sanoba hal mar la furo ururada siyaasada Somaliland iyaga oo tartan la gali doona sadexda xisbi qaran ee sii jiray , natiijada tartankaa ka soo baxda ayaa sadexda ugu sareeya uun ay noqon doonaan sadexda xisbi qaran oo 10 ka sanadood.
Dood dheer oo golaha wakiilada Somaliland kaga doodeen xeerka doorashada ee kaabida iyo wax ka badelka lagu sameynayo ayaa waxa loo codeeyay in kaabidaa iyo wax ka badelkaasi sax yihiin oo sidaa lagu ansixiyey Madaxwayne Siilaanyo na saxeexay oo uu xeerkaasi ku dhaqan galay sanadkii 2012.
Waxaana muwaadiniinta reer Somaliland isku abaabuleen ururo siyaasadeed oo la tartama sadexdii Xisbi qaran ee Udub , Kulmiye iyo Ucid , ururadaasi waxa ka mid ahaa Xaqsoor , Dalsan , Udhis , Waddani , Rays , Jamhuuriga , Nuur , umadda , Nasiye , Gurmad, NDP , Badbaado iyo Damal .
Doorashadii goleyaasha Deegaanka ee dhacday sanadkii 2012kii ayaa ay ka qayb galeen ururadii iyaga oo la tartamay axsaabtii hore u jirtay oo uu ka maqan yahay xisbigii Udub oo khilaaf iyo isqabsi soo kala dhex galay hogaankii xisbiga u burburay, sidaasi oo kale dhawr urur ayaa iyaguna aan galin oo ku hadhay qiimayntii; waxaana ay kala ahaayeen Nuur , Jamhuuriga , Udhis , Gurmad , NDP , Badbaado , Damal iyo Nasiye oo isagu tartanka uun ka hadhay waxaana tartamay Kulmiye , Ucid oo axsaabtii ah iyo Xaqsoor, Dalsan, Waddani, Umada , iyo Rays .
Waxaana tartankaa sadexdii ugu sareeyay loo aqoonsaday sadexda xisbi qaran ee 10 ka sanadood oo ka bilaabmayey 23 Dec 2012 oo ay maxkamdu ku dhawaaqday sadexda xisbi qaran waxa ay kala yihiin Kulmiye , Waddani iyo Ucid.
Somaliland waxa ka dhacay 31-May-2021 doorasho isku sidkan oo goleyaasha wakiilada iyo deegaanka mar la wada qabtay doorashadaasi oo laga codeeyey 2, 709 goob cod bixineed , iskuna diwaan galiyeen cod bixiyeyaal tiradoodu dhameyd 1,065,847 , waxaa u tartamayey goleyaasha deegaanka 552 murashax , iyo 246 murashax oo u tartamyey golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland, waxaana ay ka dhacday 23 degmo doorasho ee 6 gobol ee Somaliland.
Doorashadani waxa aan la socon tartankii ururada iyo axsaabta siyaasada maadaama aanay dhamaan mudo xileedyadii axsaabta qaranka oo ku eeg 23 Dec 2022 , waxaana wax ka badel iyo kaabis ay golihii wakiilada ee hore ku sameeyay Xeer lr-14 2021 si la isku waafajiyo doorashadii 31 May iyo xeerarka dalka , waxaana xeerkaasi loo gudbiyey madaxweynaha Somaliland isaga oo golaha guurtiduna ku waafaqay wax ka badelkii wakiilada.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
Ku celis 24-Nov-2021
Mob; +252634429221
Email: hormood@hotmail.com

SAADAASHA HAWADA | Weather

Hargeisa
clear sky
13.3 ° C
13.3 °
13.3 °
77 %
4kmh
10 %
Thu
23 °
Fri
22 °
Sat
22 °
Sun
22 °
Mon
18 °

INTERNATIONAL TRADE EXPO

- Advertisement -spot_img

HORSEEDKII AFRIKA | THE AFRICAN PIONEERS

- Advertisement -spot_imgspot_img

ARAGTI | OPINIONS