Hargeisa
clear sky
11.6 ° C
11.6 °
11.6 °
86 %
4.2kmh
2 %
Wed
23 °
Thu
23 °
Fri
23 °
Sat
23 °
Sun
22 °
spot_img
Wednesday, January 26, 2022

Is not it a “double standard” ?

This is one of the highlights of...

Sucaad Camriye: Sababta aan u doonayo in Somaliland magaca laga badelo

~ Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye), waa...

Duqa Caasimadda oo la kulmay Guddi Hoosaadka Golaha Wakiilada

Guddoomiyaha caasmimadda Hargeysa mudane CKariim Axmed Mooge...

Dheeliga Ka Muuqda Kabka & Kaalmada Dowladaha hoose Ee Dalka ugu jira Miisaaniyada 2022

OpinionDheeliga Ka Muuqda Kabka & Kaalmada Dowladaha hoose Ee Dalka ugu jira Miisaaniyada 2022
Kabka iyo kaalmada dawladdaha hoose ugu jira miisaaniyadda ee uu jideeyey xeer-23/2019 —laga soo minguuriyey xeer-12/2000— wuxu si doorbidan u baxnaaniyaa seddex degmo, kuwaas oo si gaar ah looga doorbiday 101-ka degmo ee lagu ansixiyey xeer-23/2019.
Marka kabka (10%) dawladda dhexe siiso dawladdaha hoose ee ku jira miisaaniyadda 2022 la joogo, 3 degmo ayaa isku qaata 93% —Berbera 65.6%, Gabiley 21.4%, iyo Saylac 6%,— Xalka 7% soo hadhay ay qeybsadaan 11 degmo; Hargeysa 2.3%; – Wajale 1.3%; – Borama 1.2%; – Lascaanood 0.5%; – Baligubadle 0.4%; – Faraweyne 0.4%; – Burco 0.3%; – Ceerigaabo 0.2%; – Allaybaday 0.2%; – Caynaba 0.1%; iyo Xariirad 0.1%. Xalka 87 degmo ee soo hadhay aanay lacagta kabka waxba ka gaadhin. Hadii aynu dalka goballo u qeybino, gobaladda Togdheer, Sool iyo Sanaag lacagtan waxay ka helaan 1.1%. Xalka gobalka Saaxilna kaligii ka helo 65.6%. Gobalka Maroodi-jeexna wuxu helaa 26%. Gobalka Awdalna wuxu helaa 7.3%.
Hadii kabka (10%) iyo kaalmada (12.5%) dawladda dhexe siiso dawladdaha hoose la isku daro, 52.45% waxa qaata 3 degmo —Berbera 34.12%, Gabilay 13.60%, iyo Saylac 4.50%— Xalka 47.54% soo hadhay ay qeeybsadaan 98 degmo. Kuwan 5 degmo oo ka mid ah ayaa isku hella 20.45% —Hargeysa 4.74%, Borama 4.23%, Laascaanood 3.90%, Burco 3.81% iyo Ceerigaabo 3.77%—. 93-ka degmo ee soo hadhay waxay qeybsadaan 27%. Taasi oo ah cadaallad daro aad u weyn, si la mid ah, dakhliga kabka, isku darka kabka iyo kaalmadana cida ugu badan ee ku dulman waa degmooyinka gobollada bari.
MAXAA KUU BAXAY !!!
Baarlamanku miyuu miisaaniyadda sidaa u qoondeeysan ansixin doonaa
Baarlamanku wuxu awood u leeyahay in uu miisaaniyadda ansixinteeda soo raaciyo lifaaq lagu burinayo qodobka qoonadada kabka (10%) jideeyey eek u jira xeer 23/2019. Waxayna lacagta 10% ah u qeeybin karaan si la mid ah sida loo qoondeeyey kaalmada 12.5% ah, oo derojooyinka degmada lagu qeybinayo inta wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeynayo xeer 23/2019 ama xeer cusub loo sameeynayo sida loo qeybsan doono kabka iyo kaalmadda dawladda dhexe siiso dawladdaha hoose.
© Abdirahman Mohamed Ibrahin
M.A in Customs Administration.

Check out our other content

Check out other tags:

Most Popular Articles