Hargeisa
clear sky
20.3 ° C
20.3 °
20.3 °
55 %
5.4kmh
6 %
Sun
20 °
Mon
25 °
Tue
25 °
Wed
27 °
Thu
26 °
spot_img
Sunday, December 7, 2025

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
KenyaDayuuradaha Kenya Airways & Emirates Airlines oo hakiyey duullimaadyadii Nairobi & Dubai (Xog muhim u ah rakaabkii safri lahaa)

Dayuuradaha Kenya Airways & Emirates Airlines oo hakiyey duullimaadyadii Nairobi & Dubai (Xog muhim u ah rakaabkii safri lahaa)

(Khamiis,  13-Jan-2022) – Shirkadaha Dayuuradaha Kenya Airways (KQ)  iyo Emirates Airlines ayaa hakiyey duullimaadyadii rakaabka ee u kala duulayey labada dal ee Kenya iyo Imaaraadka gaar ahaan Nairobi iyo Dubai.

Emirates ayaa Talaadadii sheegtay inay hakinayso duullimaadyadii rakaabka ahaa gaar ahaan dadka tigidhada jartay wixii ka dambeeyey 11-kii Jannaayo oo ku beegnayd shalaytoole, kuwaasoo tigidhadoodu shaqaynayaan inta waqti kale laga qabanayo.

Sidoo kale rakaabkii raaci lahaa KQ ayaa la siinayaa voucher u dhigma qiimihii ay tikitka ku jarteen taasoo jiraysa ilaa Jannaayo 11, 2023 oo ah muddo sanad ah. Waxay sidoo kale rakaabku tikitka jaran karaan markii ay doonaan iyada oo aan la saaraynin lacag ka badan midda ay bixiyeen.

Yeelkeede, hakadkan ayaan saamayn doonin dayuuradaha xamuulka ah (cargo) ee Qatar Airways, KQ iyo Emirates ee u kala gooshaya UAE iyo Kenya.

Arrintan ayaa ka bilaabatay markii Kenya lagu helay inay dayuuradaha saarto dad wata shahaadooyin Covid oo been abuur ah.

Xigasho: Hadalsame Media

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles