Qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee degan dalka Ingiriiska kana koobnaa aqoonyahan iyo waxgaradka Magaalada Bristol ayaa waxay isku yimaadeen xaflada kooban oo ay ku taageerayeen isku soo bixii Shacbiga reer somaliland ee Magaalooyinka Hargaysa, Boorma,Berbera,Burco,Laascanod iyo Ceerigaabo & dhaqdhaqaaqii wanaagsanaa ee ka bilowday baarlamaanka Ingiriiska.
Waxa xafladaa ka hadlay xubno kala duwan oo matalaayey jaaliyada Magaalada bristol waxan ay xubnahaasi baraarujin iyo taageeraba ay sheegeen in ay maalin iyo habeen ku dadaali doonaan in ay aan marnaba laga nasan ictiraaf raadinka Soomaliland, waxa ay xafladaasi ku soo dhamaatay jawi fiican & ididiilo cusub oo ku soo kordhay aqoonsiga Somaliland.
Waxaa wax lagu farxo ah in indhaha caalamka oo dhani arkaan xubno muhiim oo weliba ay qaar ka mid ahi yihiin xubno ka tirsan xisbiga talada haya, iyagoo ku doodaya in la gaarey waqtigii Dowladda ingiriisku aqoonsan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, waxaa dhawaan u ambabixi doona dalkaas Mareykanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudden Muse Bixi Cabdi taasoo ah mid muhiim gaar ah u leh Somaliland & geeska Afrikaba. Waxaa sidoo kale xusid mudan in xubno ka tirsan Kongareyska Markeynka oo gaaraya ilaa 15 qof ay soo garen Somaliland bishii la soo dhaafay.