Saynisyahankii Nukliyeerka Baakistaan oo Geeriyooday.

4
[File: Mian Khursheed/Reuters]

Saynisyahankii unkay Nukliyeer Baakistaan ayaa geeriyooday. Saynisyahankan oo ahaa fikraddii ka danbaysa in Baakistaan ay hesho nukliyeer. Abdul khadeer khan ayaa ku geeriyooday da’aada 85 jir.

Ra’iisal Wasaare Imraan khaan ayaa yidhi, “Waxan waynay geesi qaran”.

“Waa uu jeclaa wadankiisa, waxa uu u huray in uu u sameeyo quwadda Nukliyeerka”, ayuu Ra’iisal Wasaare Khan ku qoray bartiisa Twitterka.

Saynisyahankan ayaa 2004 lagu eedeeyey in uu iiraan iyo liibiya la wadaagay macluumaad khuseeya samaynta hubka Nukliyeerka.   Saynisyahankan ayaa ahaa mid aad loo ilaaliyo, isaga oo ay maxkamidi xukuntay in xabsi guri lagu haayo, halka 2009 kiina  loo ogolaaday in uu wadanka dhex safri karo iyadoo ilaalo adag la raaciyey.

Saynisyahankan ayaa loo aqoonsaday geesiga baakistaan, kadib markii uu wadankiisa u horseeday inuu noqdo wadankii koowaad ee islaama ee aysta quwadda nukliyeerka.